MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxamed Xasan oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Ifiye ee Puntland oo ka qeybgalaya Gogosha Wadatashiga Qaran ayaa goor dhaw hadalo uu ka jeediyay shirka wuxuu ka hadlay ujeedka ay uga soo qeybgaleen iyo nuuca aragtidooda.
“Ujeeddada aan gogosha u nimid waa inaan talo ku darsanno arrimaha qaranka, haddii dadku arkeen fikirka Saciid Deni, waxaa muhiim ah in sidoo kale la dhagaysto aragtida mucaaradka, si loo helo isfaham iyo midnimo qaran.
Sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanka Puntland oo qaranka Somaaliyeed ka tirsan ay ku faraxsan yihiin inay ka soo qeybgalaan islamarkaana ay ku soo bandhigi doonaan talada ay qaranka ku leeyihiin gar ahaan aragtida mucaaradka.
“waxaan jeleysanay in Puntland iyo guud ahaan Soomaalidu maqasho talada xisbiyada mucaaradka ee ku aadan arimaha qaranka”ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Xasan
“madaama xisbigeenu soo tijaabiyay doorashooyinka waxaan ku faraxsanahay inaan la wadaagno ururada siyasada ee shirkaan ka qeyglaya qibrada aan u leenahay doorashadii ka dhacday puntland”ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Xisbiga Ifiye
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
