HomeWarkiiMadaxweyne Xassan muxuu ka yiri sanad guurada 65-aad ee ka soo wareegatay...

Madaxweyne Xassan muxuu ka yiri sanad guurada 65-aad ee ka soo wareegatay xoriyada Somalia.

 

May be an image of 6 people, fireworks and crowdMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxda Dowladda kala qeybgalay munaasabadda bilowga Todobaadka Xoriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 65-aad ee miro-dhalka halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay halyeeyadii gobollada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka qaateen garashada in xorriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gumeystaha, balse ay ka dhigan tahay xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.
“Halyeeyadaasi waxay na dhaxalsiiyeen xorriyad iyo midnimo isku sidkan oo ay wax badan ugu hureen si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo taabbo gal ah. Taariikhda mar walba way xusi doontaa doorkooda”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhaawacyo siyaasadeed ay soo gaareen dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo salka ku hayay kalitalisnimo, ku-tagrifal awoodeed iyo maamul-xumo, waxa uuna muujiyay garawsho la xiriirta wixii dhacay taariikh ahaan, isagoo adkeeyay sida ay lagama-maarmaan u tahay in mar kale la hello midnimo dhab ah.
“Waan aaminsanahay in xornimadeenna aysan kaamil noqon doonin ilaa aan mar kale mideyno qalbigeenna iyo qaddiyaddeenna. Jidka kaliya ee aan u marayno waa wada-hadal iyo walaaltinimo”.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, waxa ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada lagu gaari karo nabad, barwaaqo iyo is-afgarad waara.May be an image of 2 people and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 8 people, fireworks and textMay be an image of 1 person, dais, crowd and text that says "DABAALI ၈ ย AANAGUURADA ANAD GUURADA AAD DABAALDEGGA SANAD GUURADA 65 AAD 26KA 65AAD JU 202"May be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, headscarf and daisMay be an image of 3 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 3 people, crowd and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person, newsroom and text that says "AAD 26KA JU 025"May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and saxophoneMay be an image of 6 people and text that says "DABAALDE DABAALDESASANADGU GA SANAD GU 65 65A A 26KA 202 DABAALDI 6ን ស្៉តមេន"May be an image of 2 people and headscarfMay be an image of 4 people, headscarf and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 7 people and beardMay be an image of 6 people and textMay be an image of 1 person and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -