HomeWarkiiTaliska Booliiska Puntland oo ka wada hadlay amaanka deegaanadaasi+SAWIRRO

Taliska Booliiska Puntland oo ka wada hadlay amaanka deegaanadaasi+SAWIRRO

May be an image of 5 people and textGaroowe – 2-da Luulyo, 2025:-Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sareeye Guuto Mumin Shirre ,ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Taliyaasha Qaybaha Booliska ee gobollada Puntland.
Shirkan oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Taliska Booliska ee magaalada Garoowe ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga gobollada Puntland, iyadoo looga gol lahaa in la xoojiyo wada shaqeynta iyo istaraatijiyadda lagu sugo nabadgelyada.
Waxaa shirka ka qeyb galay Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka booliska booliska Sarreeye guuto Caydiid Axmed Nuur,Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska, Sareeye Guuto Cismaan Cigge, iyo dhammaan Taliyaasha qaybaha kala duwan ee Booliska Puntland.
Taliye Mumin Cabdi Shire ayaa warbixinno ka dhageystay Taliyaasha, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladaha amni ee deegaanadooda iyo hawlgallada ay wadaan si loo xoojiyo sugidda nabadda.
Taliyaha ayaa ku bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee ay muujiyeen Taliyaasha iyo ciidankooda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta iyo feejignaanta joogtada ah si looga hortago falal amni darro ah.
Sidoo kale, wuxuu ku dhiirrigeliyay Taliyaasha in ay sii wadaan shaqada adag ee ay hayaan, si shacabka Puntland ay ugu noolaadaan deegaan nabdoon oo xasilloon.
Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Taliska Booliska Puntland uu ku xoojinayo ammaanka guud ee Puntland.
— DHAMMAAD —
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Captain: Farah Mohamed – Yemeni Madaxa Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska PuntlandMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 4 people, newsroom and textMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and beardMay be an image of 7 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -