HomeWarkiiSiyaasi Jamaal  "kuwa diidan shirka reer Sanaag waa kuwo dano gaara leh...

Siyaasi Jamaal  “kuwa diidan shirka reer Sanaag waa kuwo dano gaara leh ama Somaliland aamisan”

Amb. Jamaal Maxamed Xasan – GoobjoogWasiirkii hore ee Qorsheynta Dowladii  Farmaajo Jamaal Maxamed Xassan islamarkaana ah siyaasi ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag, Cayn & Haylaan ayaa difaacay shirka reer Sanaag ee lagu wado inuu ku qabsoomo Ceel-Buh.

Jamaal Maxamed Xassan wuxuu sheegay in shacabka Gobolka Sanaag xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashtaan, islamarkaana si nabad ah isugu yimaadaan oo ay isla soo saaraan wax ay heshiis ku yihiin.

“Dadka Gobolka Sanaag iyagaa xaq u leh inay danahooda ka shiraan, fursadan oo kale ah mar walba lama helo– ha laga faa’iideysto, hana la xaqiijiyo” ayuu yiri siyaasi Jamaal

Siyaasi Jamaal wuxuu inaasi ku daray in cid kasta oo isku deyda inay carqaladeyso oo hor istaagto shirka loo balansan yahay ay qaadi doonto masuuliyada.

“kuwa maanta diidan in dadku shiraan oo aayahooda ka shiraan laba arin mid bay ku sifeysan yihiin, kuwa taageersan kooxda gooni goosadka Somaliland iyo kuwa dana gaar ah leh oo ka soo horjeeda in dadka deegaanku ka baxaan muranka siyaasadeed

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -