HomeWarkiiMadaxweyne Xasan muxuu kala hadlay dhigiisa Dalka Masar+SAWIRRO

Madaxweyne Xasan muxuu kala hadlay dhigiisa Dalka Masar+SAWIRRO

May be an image of 2 people, dais, the Oval Office and text
Qaahira, Luulyo 07, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dal iyagoo si qotodheer iskula soo qaaday dardargalinta isku xirka labada shacab, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi sheegay in ay dhawaan dib uga furan doonaan magaalada Muqdisho xarun Safaaradeed oo muujin doonto mudnaanta ay siinayaan xiriirka iskaashi ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay doorka firfircoon ee Masar ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblumaasiyadda, waxbarashada, caafimaadka iyo iskaashiga milatari, waxa ayna isla qaateen Labada Dowladood in la dardargeliyo fulinta heshiiskii iskaashi ee ay wada saxiixdeen Agoosto 2024.
Dhankiisa, Madaxweynaha Masar ayaa muujiyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka argagixisada, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee xoojinta midnimada, amniga, iyo horumarka dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Masar, isagoo uga mahadceliyay martiqaadka diirran ee ay kuu qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.May be an image of 3 people and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 8 people and daisMay be an image of monumentMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 14 people and daisMay be an image of 3 people, the Oval Office and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 2 people, dais, the Oval Office and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -