Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula kulmay dhiggiisa Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan.
Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo walaaltinimada adag ee ka dhaxaysa labada dal ee walaalaha ah.
Dhanka kale waxaa lagu wadaa inuu kala hadlo xaalada amni ee Somalia ,dagaalka alshabaab lagula jiro,taageerada uu uga baahan yahay Turkey ,iyo sidoo kale shidaalka mustaqbaka uu turkey ka soo saarayo xeebaha Soomaaliya.



