HomeWarkiiShirka Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Bariga Afrika oo markii ugu horeysay...

Shirka Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Bariga Afrika oo markii ugu horeysay lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 34-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), kaas markii ugu horreysay lagu qabanayo magaalada Muqdisho, isla markaana ay sanadkan guddoon u tahay Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa madasha ka jeediyay khudbad soo dhaweyn ah oo uu ku bogaadiyay wakiillada ka socday dalalka xubnaha ka ah ururka, isagoo yiri:
“Waxaan si diirran idiinku soo dhaweynayaa magaalada Muqdisho, annagoo markii ugu horreysay martigelinayna Kalfadhiga 34-aad ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari. Martigelinta shirkan waxa ay muujinaysaa kalsoonida ay dalalka gobolka ku qabaan Soomaaliya, waxayna caddeyneysaa horumarka laga sameeyay dhanka amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha difaaca.”
Sidoo kale, Wasiiru Dowluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada dadaallada iyo himilooyinka istiraatiijiyadeed ee Bariga Afrika, isagoo xusay:
“Shirkan wuxuu xoojinayaa ka go’naanshaha dalalka Afrikada Bari ee nabadda, amniga, iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed. Waxaan xoogga saareynaa in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isu-duwidda naga dhaxeysa, si gaar ah marka ay timaado hawlaha difaaca iyo amniga guud.”
Wasiiru Dowluhu wuxuu sidoo kale tilmaamay kaalinta muhiimka ah ee ay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF) ku leeyihiin sugidda nabadda gobolka, isagoo sheegay inay yihiin tiir muhiim ah marka laga hadlayo:
Ilaalinta nabadda, ka hortagga khilaafaadka, jawaab-celinta degdegga ah ee xaaladaha amni iyo kuwa bini’aadantinimo.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa sharaf u ah martigelinta shirkan muhiimka ah, taas oo mar kale muujinaysa doorka ay Soomaaliya ka ciyaarayso xoojinta nabadda, amniga, iyo iskaashiga difaaca ee gobolka Bariga Afrika.May be an image of 4 people, newsroom, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and text that says "大 EXIT EXIT EASTERN AFRICA FORCE (EASF) 34th Policy Organs Meetings ER Two Decades of Commitment to Promoting Regional Peace and Security 25 Masadishu adishu LeMTIRINnOO อ PRCRISLAE"May be an image of 2 people, dais and text that says "JM TER CASTERN eone BTamaR PORGE 春 SFRIGA HANISM 34"PolicyOrgans 34h Policy Organs Meetings 0 Decades Commitment to romoting Regional Peace Security 15" Mogadishu,Somalla July 2025 Mogadishu, Somalla @www.sskcom.org tandbry ForeR www.wasicem.org EaernAl 二・"May be an image of 12 people, table and textMay be an image of 2 people, dais and text that says "ganis Meetings of Commitment to al Peace and Security 05 Mogadi Zami ETOИOX MON GLEST"May be an image of 5 people, dais and text that says "大 KEXIT |EXIT EASTERN AFRICA STARME FORCE (EASF) 34th th Policy Organs Meetings ER Two Decades of Commitment to Promoting Regional Peace and Security Masiadishu adishu EeMIDINOGON HИnCToBuи"May be an image of 1 person, dais and text that says "CYORGANSMEETINGS CYORGANS MEETINGS PKING-GROUP GROUP PKING ADISHU.SOMALIA ADISHU SOMALIA Y2025"May be an image of 7 people, dais and text that says "EASTERN AFRICA S1 FORCE (EASF) 34th Policy Organs ER Two Decades of Comr Promoting Regional Peac 2025 34th POLICY ORGANS MEETINGS Two Decades of Commitment to Promoting Regional Peaoe and Seourity の 。 Jd a 826 Mogodishu, Somalia SI អេសា PHANgA ИфФA"May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 6 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -