HomeWarkiiDowlada oo ka warbixisay howlgalo ka dhan ahaa Alshabaab

Dowlada oo ka warbixisay howlgalo ka dhan ahaa Alshabaab

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowlada Soomaaliya Sheekh Abuukar Macalin ayaa ka warbixinyay howlgalo ka dhan ah Alshabaab oo ka kala dhacay Gobollada Galgaduud, Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Afhayeenka wuxuu sheegay in meelaha howlgalada laga sameeyay uu ka mid yahay tuulada xiin-gaduud oo u dhexeysa Deegaanada Camaara iyo Qod-qod, waxaa lagu dilay ilaa 11 Alshbaab ka tiranaa sida uu sheegay Sheekh Abuukar Macalin.

“howlgalkaan waxaa iska kaashtay ciidamada xooga dalka,macawisleyda iyo kuwa Ahlu suna ee ka howlgala Degmada Baxda ee Gobolka Galgaduud”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Macalin.

Sidoo kale Kumandooska Danab ayaa howlgal waxay ka fuliyeen deegaanada Maamulka Jubaland halkaasoo ay ku dileen sarkaal Alshabaab ka tirsanaa kaasoo lagu magacaabi jirey Ibraahin C/raxmaan Sanbuur kuna magac dheeraa Ibrahim takeey.

Af-haneenka wuxuu sheegay in howlgalka sarkaalkaan lagu dilay uu si qaas ah uga dhacay Miido iyo Harboole oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

“Horjoogahaan wuxuu kooxda ku biirey 2010-kii wuxuna u qaabilsan yahay falalka afduubka iyo dilalka, balse ugu danbeyn waxaa ku cibaadeystay oo dhagartiisii mudo 15 sano dhaafiyay ciidamada Xooga dalka waana uga mahadcelineynaa”ayuu yiri Afhayeen Sheekh Abuukar.

Ugu danbeyn Afhayeenka wuxuu ka hadlay howlgal kale oo isna ka dhacay deegaanka biya cadde ee Gobolka Shabeelaha dhexe  halkaasoo lagu burburiyay fariisimo alshabaab ku lahaayeen sida uu sheegay Sheekh Abukar.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMXerowga loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo sababta uu markii horeba ciidanka u qortay - BBC News Somali

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -