HomeWarkiiWasiir Fiqi oo dib u habeyn ku sameeyay heshiiskii Iskaashiga Milateri ee...

Wasiir Fiqi oo dib u habeyn ku sameeyay heshiiskii Iskaashiga Milateri ee Somalia kala dhexeeyay Turkey+SAWIRRO

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Türkiga, Mudane Yaşar Güler, ayaa maanta magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiiska wax-ka-beddelka habraaca fulinta ee kaalmada maaliyadeed ee 17-kii Luulyo 2019 dhexmaray labada dal.
Heshiiskan dib u habeynta ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiga, gaar ahaan dhanka difaaca, horumarinta tayada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu bixiyo tababarada, qalabeynta iyo dhismaha awoodda ciidanka.
Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dib u eegidda iyo saxiixa heshiiskan ay muujinayso sii adkeynta xiriirka labada dal iyo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay si hufan oo waafaqsan maslaxadda qaranka uga faa’iidaysato taageerada walaaltinimo ee ay ka helayso dowladda Türkiga.May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of ‎4 people and ‎text that says "‎ت เท EF TÜRKİYE CUMHURİYETİ ILLI SAYUNMABAKANLIĞI SAVUNMA BAKANLIĞI IDEF IDEF TEF 天ぐ ت * TÜRKİYE CUMHURİYETİ MİLLİ SAVUNMA BAKANLIĞI‎"‎‎
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -