HomeWarkiiSaraakiil Ciidan oo yeeshay kulan looga hadlayay Amniga deegaanada dhaca Xeebaha Gobolka...

Saraakiil Ciidan oo yeeshay kulan looga hadlayay Amniga deegaanada dhaca Xeebaha Gobolka sh. hoose.

Ku-simaha Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa maanta guddoomiyay Kulan balaarran oo looga hadlayay Amniga deegaanada dhaca dhinaca Xeebta ee ku teedsan Lambar-konton iyo sidii looga feejignaan lahaa Khatar kasta oo ay soo maleegaan Kooxda Khawaarijta.
Kulankan ayaa ka dhacay Xarunta Maamulka deegaanka Lambar-konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu ku soo beegmay xilli ay socdaan howlgallo Culus oo Khawaarijta looga sifeynayo Degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariirre oo kooxdu ay xiligan ku dhuumaaleysaneyso.
G/dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye waxaa kulanka ku wehliyay qaar kamid ah Saraakiisha Xubnaha Maamulka Guutada 14-ka October, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Gudoomiyaha deegaanka Lambar-konton Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee degmada Awdheegle iyo Aagga Lambar-konton Maaddeey Caddow Jamaame.May be an image of 4 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 6 people, people studying and textMay be an image of 1 person and studying
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -