Sida goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Sakariye Cabdulahi Axmed Gaas oo loo yaqaan Timacade, 20 jir ah, ayaa ka soo goostay kooxda Khawaarijta Shabaab, kaddib markii uu muddo saddex sano ah ku jiray marin habaab iyo khiyaano ay kooxdu ku qancisay.
Sakariye ayaa sheegay in uu kooxda kaga biiray magaalada Ceel-buur, halka ay ku tababareen Hawdka Galhareeri.
Haddase wuxuu go’aansaday inuu ka baxo fikirka qaldan ee Khawaarijta, iskuna soo dhiibo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Masegwaay ee gobolka Galgaduud.

