Madaxda Urur goboleedka IGAD oo meel uga soo wada jeestay xadgudubka dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax banaanida dhuleed ee JFS.
Shir Madaxeedkii 42 aad ee Ururka Goboleedka IGAD oo maanta ka qabsoomay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa Laga soo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban.
Madaxda IGAD ayaa isku raacay in lama taabtaan ay tahay Madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxda ayaa soo jeediyey in Heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo uu soo maro dowladda Federaalka Soomaaliya.
QODOBBADA UGU WAAWAYN EE LAGA SOO SAARAY WAR-MURTIYEEDKA IGAD

1. Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
2. IGAD waxa ay si adag u xaqiijineysa mabda’ lama dhaafaanka ee ilaalinta iyo dhowrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadii’da asaasiga ah ee kor ku xusan, iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.
3. Waxaan ugu baaqeyna Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah.

May be an image of textMay be an image of blueprint and textMay be an image of textMay be an image of blueprint and text
Previous articleMaxaa looga hadlay Shirkii Maata ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka+SAWIRRO
Next articleGanacsade u dhashay Dalka Shiinaha oo lagu afduubtay Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here