kulankii Golaha Shacabka ayaa maanta markale kooram la’aan u furmi la’. Wuxuuna gudoomiyaha Barlamaanka isagoo carrerysan yiri

“Inaan Subixii iska jiifno oo kulankii Kooram la’aan uu u baaqdo oo qofku waqtiguu rabo iskasoo kaco sharafteenna maaha, jiif hadan rabno ma ahayn xildhibaanimo inaad soo doonataan”

“36 Xildhibaan kaliya ayan heynaa. Aaway Boqolaalkii kale ee xildhibaan. Xildhibaanimo sidaan ma ahan dadka barlamaanka ku cusub. Hurdada kasoo kaca”

Sikastaba ha ahaate waa nasiib daro in dalka loo igmaday Xildhibaano hadane aysan wax dan ah kalaheyn mataaladda shacabkooda waan arin u baahan in gudoomiyaha iyo gudoonkiisa go’aan kasoo saaraan ayagoo raacaya xeer hoosaadka Golaha shacabka iyo dastuurka Kmg ah waxa u ka qabo qodabadan nuucaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here