HomeWarkiiSomalia oo shir QM ka dhacay ka sheegtay ahmiyada in la ilaaliyo...

Somalia oo shir QM ka dhacay ka sheegtay ahmiyada in la ilaaliyo shuruucda Baddaha Caalamka

Shir Badaha caalamka looga hadlayay oo ka dhacay Xarunta Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ayay wakiilada Somalia ka soo jeediyeen sida dunida ay muhiimka ugu tahay ilaalinta shuruucda badaha caalamka.

Golaha Amaanka ayaa soo qaban qaabiyay dood furan oo ku saabsan amniga badda, Dowlada Somalia oo ka qeybashay dooda ayaa aad u adkeysay muhiimadda ay leedahay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS) oo ah aasaaska isticmaalka badaha dunida si nabad iyo iskaashi ah.

“iyadoo la dhowrayo madax-bannaanida dowladnimada, waxaa arin wanaagsan si loo dhiso kalsooni loona xaqiijiyo guusha dadaallada wadajirka ah,” ayaa lagu yiri war ay shirkaasi ka jeediyeen masuuliyiinta Soomaaliya matalayay

Wakiilada Somalia ee dooda fadhiyay waxay sidoo kale sheegeen marka la fuliyo sharciyada caalamig ah ee  badda inay lagama maarmaan u yihiin dhisidda kalsoonida dalalka.

Somalia waxay sidoo kale shirka ka jeediyeen talaabo loo dhan yahay oo lagula tacaalayo wax ka qabashada  burcad-badeednimada iyo kalluumaysiga sharci darrada ah.

Shirkaan wuxuu ku soo aadayaa xili Somalia ay wali wajahayso dhibaatooyinka ay burcada badeedu ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya iyo bad-weynta India.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -