
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta booqasho dhiirrigelin ah ku tegay Dugsiga Ciidanka Xoogga Dalka Qorilow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka ayaa kulan la qaatay hoggaanka iyo saraakiisha taliska, isagoo ku bogaadiyay geesinimada ciidamada iyo dadaalka ay wadaan ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isla markaana ku adkeeyay inay sii xoojiyaan howlgalada lagu xoreynayo deegaannada fara ku tiriska ah ee ay argagixisadu ku dhuumaaleysanayaan.
Dr/Jeneraal. Muungaab, oo qayb ka ahaa wefdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi, ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan wejiga cusub ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo dhowaan bilaabanaya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu garab buuxa siinayo ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qaybgalaya hawlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka naf-la-caariga ah ee argagixisada Al-Shabaab.
































