HomeWarkiiMilateriga Masar ee ka howlgalaya Somalia oo tababar loogu soo xirey Magaalada...

Milateriga Masar ee ka howlgalaya Somalia oo tababar loogu soo xirey Magaalada Qaahira

QAHIRA (DAYNIILE.COM)-Waxaa tababar loogu soo dhameeyay Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar cutubyo kamid ah ciidamada Masar kuwaasoo qorshuhu yahay  inay ku biiraab howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Tababarkaan oo si gaar ah loogu carbiyay ciidamada Masar howlgalkoda Somalia ayaa waxaa gacan ka gaystay Dowlada Japan marka la eego dhanka taaba-gelinta dhaqaale iyo mid farsamo, waxaana soo agaasimay Wasaarada Difaaca Masar.

Howlgalkaan oo ay Somalia hogaamin doonto oo qorshuhu ahaa in sanadkaan bilowiisa uu bilowdo ayaa dhaqaale la’aan dib ugu dhacay waxaana diirada lagu saarayaa taageeridda ciidamada Xoogga dalkeena Somalia iyo hubinta in kala guurka howlgalkii ATMIS iyo kan cusub ee AUSSOM.

Diyaar garowga iyo tababarka gaarka ah ee ciidamada Masar la siinayo ayaa la rumeysan yahay inay daba socoto madaama Somalia dagaalada ka socda iyo howlgalada la doonayo inay ka fuliyaan ay tahay mid aad u adag marka loo eego Alshabaab.

Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobe ayaa warqti dhaqaalaba waxay gelinayaan dadaallada lagu dhisayo awoodaha ciidamada Xooga Dalkeena Somalia si Dowlada Somalia inta u dhiman cagaheeda ugu istaago xili dagaal culusna ay kula jiraan Alshabaab oo taageere caalami ah laftigoodu helaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -