Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta magaalada Ankara ee dalka Turkiga kaga qeyb galay munaasabadda qalin-jabinta saraakiil ay ka mid yihiin kuwa Soomaaliyeed oo waxbarasho iyo tababar sare ku soo qaatay Kulliyadda Dagaalka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka Turkiga.
Saraakiishan cusub ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, oo isugu jira dhulka, cirka iyo badda, ayaa aqoonta iyo xirfadaha ay soo heleen ku biirin doona dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.
Wasiir Fiqi ayaa munaasabadda ku guddoonsiiyay saraakiisha shahaadooyin iyo billado, isagoo ammaanay dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii ay ku jireen waxbarashada.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Rajab Dayib Erdoğan, xubno ka tirsan xukuumaddiisa, saraakiil ciidan iyo Wasiirro kale oo ka socday dalalka ardayda qalin-jibinaysa qaarkood ay ka soo jeedaan.








