Muqdisho, 31 Agoosto 2025 – Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Saldhiga Ceelasha Biyaha ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal burcad ah oo ku eedeeysan inay khal-khal geliyeen amniga isla markaana dhac u geysteen dad shacab ah.
Eedeysanayaasha la soo qabtay ayaa kala ah: Dable X.G.D. Nuur Muxiyadiin, Dable X.G.D. Yaasiir Cali Abukar, iyo Cabdi Kaafi Ibraahim Shariif.
Eedeysanayaasha waxay gacanta ugu jiraan Ciidanka Boliiska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si loo waafajiyo sharciga dalka.
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed wuxuu shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida guud.
— DHAMMAAD —





