HomeWarkiiDowlada oo ku dhawaaqday in la soo af-jaray dhismihii Maamulka...

Dowlada oo ku dhawaaqday in la soo af-jaray dhismihii Maamulka Waqooyi Bari

War ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheeciyay inay soo afjartay dhismihii maamulka Waqooyi Bari-Somalia ee mudooyinkii ugu danbeeyay la soo waday dhismihiisa.

Dowladu waxay cadeysay in Maamulka Waqooyi Bari Somalia uu  si buuxda uga mid noqday dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Dowlada Soomaaliya waxay warkeeda ku sheegtay in Maamulka Waqooyi Bari ka kooban yahay gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

“Dhismaha maamulkan cusub ayaa ku yimid
“Dowlad Goboleedka Waqooyo Bari wuxuu ka dhashay dadaal laba sano socday oo ay hoggaaminayeen bulshada degta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo hore  u sameystay maamulka SSC-Khaatumo si kumeel gaar ah  bishii Agoosto 2023″ayaa lagu yiri warka ka soo baxay  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa aad loo hadal hayay in marka uu dhamaado dhismaha maamulka Waqooyi Bari in Dowladu u jiheysaneyso dhanka Caasimada Gobolka Geddo ee Garbahaareey halkaasoo qorshuhu yahay in laga dhiso Maamul kale oo Jubaland loo sameynayo kaasoo ka madax banaan Axmed Madoobe.
XAFIISKA WARARKA SIYASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -