NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Xaafada Soomaalida ay u badan tahay ee Islii Magaalada Nairobi waxaa maanta si xun ugu geeriyooday nin afrikan ah oo tuug ahaa kadib markii uu dabaq iska soo tuuray.
Ninkaan Tuuga ah ayaa la sheegay inuu dabq Soomaalidu degan tahay ka soo xaday Mobile ay lahayd gabar Soomaaliyeed kadibna markii la ogaaday oo la bilaabay in la daba galo ayuu u cararay dhanka meesha ugu sareysa dabaq aad ugu BBS MALL ee ku yal 12 Street.
Ninka tuuga ah ayaa markii uu tagay meesha ugu sareysa wuxuu isku dayay inuu u boodo dabaq kale oo ku dhagan uu kii ka soo xaday Mobile-ka laakiin sida la sheegay laamiyeeri uu ku istaagay ayaa la go’ay sidaas ayuuna uga soo dhacay biyaanada 13-aad wuxuuna ka dilacay madaxa.
Booliiska ayaa goobta soo gaaray waxayna qaadeen meydka ninkii tuuga ahaa , goobta waxaa soo buux dhaafiyay dad aad u tira badan oo Soomaali iyo ajaanib kale si ay u arkaan meydka.
Su’aalaha ugu badan ee la is weydiinayay ayaa ahayd waxa tuugaasi naftiisa u halagay inay tahay mobile laga yaabo inuu joogo 100 ama 150 Doolar taasoo muujineysa aragti xumada tuugada usoo labisatay xoolo aysan lahayn inay si fudud ku qaataan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM

