HomeCiyaarahaSababta Arsenal ay ugu fashilmatay saxiixa Arda Ğuler oo la ogaaday

Sababta Arsenal ay ugu fashilmatay saxiixa Arda Ğuler oo la ogaaday

XIGASHO LAACIB.NET

Suxufiga caanka ah ee suuqa kala iibsiga, Fabrizio Romano, ayaa shaaciyay in kooxda Arsenal ay ka fikiraysay saxiixa laacibka Turkiga ah Arda Güler xagaagan si ay u xoojiso kooxda.

Romano ayaa sheegay in mustaqbalka Güler uu mugdi gali lahaa xagaagan haddii Carlo Ancelotti sii joogi lahaa Real Madrid, iyadoo xitaa laga fiirsanayay inuu baxo — xaalad la mid ah tii horey u dhacday markii Martin Ødegaard ka tagay Madrid kuna biiray Arsenal.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa si buuxda isu bedeshay kadib markii Xabi Alonso loo magacaabay tababaraha cusub ee Real Madrid. Romano wuxuu xaqiijiyay in ka tagista Güler aysan hadda miiska saarneyn, iyadoo Alonso uu ka dhigay qeyb muhiim ah mashruuciisa cusub ee Bernabéu.

Xiddiga da’da yar ee reer Turkiga ayaa lagu soo warramayaa inuu aad ugu qanacsan yahay doorkiisa cusub ee kooxda, waxaana uu rumeysan yahay in tababaraha reer Spain uu siinayo kalsooni iyo masuuliyad weyn mustaqbalkiisa ciyaareed.

Wararkan ayaa soo afjaraya filashooyinkii ku saabsanaa inuu xagaagan u dhaqaaqi doono Arsenal, iyadoo hadda muuqata in Güler ay ka go’an tahay inuu sii joogo Real Madrid.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -