HomeWarkiiTaliyaha ciidamada lugta muxuu kala hadlay odayaasha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha...

Taliyaha ciidamada lugta muxuu kala hadlay odayaasha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose+SAWIRRO

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar “Generaal Khaalid”, ayaa kulan la qaatay odayaasha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.
Taliyaha ayaa odayaasha kala hadlay xaaladda deegaanka iyo nolosha ka jirta kadib markii laga xoreeyay cadawga, kuwaas oo burburiyay dhammaan wixii nafci u lahaa bulshada deegaanka – ha noqdaan buundooyin, guryo, masaajidyo iyo kaabayaal kale oo muhiim u ahaa nolol maalmeedka shacabka. Taas ayaa tusaale cad u ah sida cadawgu ugu hagardaameeyay shacabka Soomaaliyeed.
Generaal Khaalid ayaa odayaasha deegaanka u ballanqaaday in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaadan doonaan dib u dhiska iyo caawinta bulshada deegaanka, gaar ahaan dhisidda buundooyinka iyo goobaha danta guud, si dib loogu soo celiyo noloshii iyo horumarkii deegaanka.
Dhankooda, odayaasha deegaanka ayaa uga mahadceliyay taliyaha kulanka uu la qaatay, waxayna ballanqaadeen in ay si dhow ula shaqayn doonaan Ciidanka Naftood-hureyaasha ah ee dalka ka dulqaaday cadawgii argagixisada ahaa.May be an image of 1 person and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 3 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -