MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa sii daayay goor dhaw Labadii Ganacsade iyo siyaasigii ay xireen Ciidanada NISA kadib markii ay soo fara geliyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas
Ganacsad Cali Xaaji jimaan, Ganacsade Bulaale iyo Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Roobl oo ku xirnaa saldhiga Degmada Xamarweyne waxaa lagu sii daayay Damien lamana oga sida xaalada lagu dhameyn doono.
labada Ganacsade iyo Siyaasiga ayaa la sheegayaa inay ka tirsan yihiin Madasha Samatabixinta Mucaaradka Soomaaliya iyagoona ka mid ahaa wafdigii Madaxda mucaaradka ee shalay galab dagaalku ku qabsaday Saldhiga Booliiska Warta-nabada ee Magaalada Muqdisho..
Wararka qaar ayaa sheegaya inaan Damiin lagu sii dayn balse uu Madaxweyne Xassan soo hadlay amarna ku bixiyay in la sii daayo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
