Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa kormeeray waaxyaha adeeg bixinta Safaaradda iyo xafiisyada mas’uuliyiinta, isaga oo dhageystay warbixin ku saabsan adeegyada loo qabto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ku bogaadiyay Diblumaasiyiinta iyo Howlwadeennada Safaarada shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dalkooda.
Madaxweyne Xassan ayaa Dalka Mareykanka uga qeybgalay shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe, waxaana lagu wadaa inuu dhawaan dalka ku soo laabto.









