War saxaafadeed si wadajir ah oo goordhow ay Nairobi ka soo saareen Puntaland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta Mucaaradka ayay isla garteen inay dhawaan sameystaan isbahaysi la magac baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin dhinacyadaas,Shir ay sheegeen inuu gudaha dalka ka dhici doono ayay ku balameen inay isugu yimaadaan shirkaan kan xiga inkastoo magaalada aysan cadeyn inay xamar tahay iyo gobolada dalka tahay.
War saxaafadeed ay isla soo saareen ayaa sidan u qornaa:-


