HomeWarkiiSAWIRRO: Banaan-bax looga soo horjeedo Israa'iil oo hareeyay Dunida

SAWIRRO: Banaan-bax looga soo horjeedo Israa’iil oo hareeyay Dunida

Inta badan qaaradaha Dunida sida Amrika,Yurub iyo Austaralia waxaa ka dhacay banaan-baxyo waa weyn oo ay dhigayaan dadka shacaba kuwaasoo si weyn uga soo horjeeda hab-dhaqanka Isra’iiliyiinta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Falastiin ee marinka Qaza.
Banaan baxaan oo bilowday saacadihii ugu danbeeyay ayaa sidoo kale loosoo horjeeda talaabada ay ciidaamda Yuhuudu ku qafasheen doomanka iyo dadka saarnaa kuwaasoo u badan reer Gal-beed-ka i nkastoo Gabar Soomaaliyeed ay ka mid tahay dadkaasi doomanka raashinka ugu soo qaaday reer Qaza.
Saaka ayay  qabteen Yuhuudu doontii ugu danbeysay madaama shalay ay wada qabteen inta badan doomanka isla socday ee rabay inay buriyaan go’doonka Yujhuudu saartay shacabka reer Qaza.
Shacabka Talyaaniga oo ka mid ahaa dadkii ugu badnaa ee ka qeybqaadanayay isku soo baxa maanta socda  ayaa ugu baaqay Xukuumadooda inay qaado talaabo xooggan madaama afar Xildhibaan oo talyaani ay  ku jiraan dadka raashinka u qaaday Qaza.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIIKLE
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -