Dagaal yahanada Xamaas ayaa aq-balay inay sii daayaan maxaabiista Yuhuuda iyo inay ka baxaan marinka Qaza si loo hirgeliyo qorshaha nabada ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump islamarkaana madaxda dalalka Carabta iyo Islaamkaba aqbaleen.
Xamaas inkastoo ay ka gaabsatay inay aqbaleen inay hubka dhigaan hadana inta badan qorshaha dagaalka looga jojinaayo Qaza way aqbaleen iyagoo u daneynaya shacabka reer Qaza ee gaajada iyo gantaalada cirka u sii dhamaanaya.
War ka soo baxay Kooxda hubeysan ee Xamas ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iil kuwa nool iyo meydadka intaba, si ay u taageeraan qorshaha lagu joojinaayo duullaanka Israa’iil ee Qasa.
Qorashaha maxaabiis is dhaasiga iyo soo ajarida dagaalada iyo maamul u sameynta Qaza intaba waxay qeyb ka yihiin qorshaha uu soo jeediyay Donald Trump.
Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal kooba uu soo dhigay bartiisa Truth Social, wuxuu kaga hadlay bayaankii dhawaan Xamas isagoona soo dhaweeyay in xamaas nabada aqbashay.
“waxaan aaminsanahay in Xamaas diyaar u yihiin Nabad waarta marka aan qiimeeyay siday uga jawaabeen qorshihii nabada ee an soo bandjhigay ” ayuu yiri Madaxwyne Trump.
Yuhuuda ayuu Trump ugu baaqay inay joojisaa duqeynta Qasa,islamarkaana dhankooda si degdeg ah u sii deysaa maxaabiista shacabka falastiin ee ay hayaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
