Saacadihii ugu dambeeyay waxaa sii xoogaystay hadal haynta cabsida laga qabo banaan-bax ay shalay k baaqeen midiwga musharixiinta in ay qaban doonaan maalinta jimcaha,

Waxaa xoogaystay Dedaalada ku aadan ka hor taga & dhiiraglinta banaan-baxa, Kooxaha diidan banaan-baxa ayaa adeegsanaya hadalo isugu jra hanjabaad & dacaayado ay is leeyihiin waad ku baajn kartaan banaan-baxa, dhanka kale kooxaha taageersan banaan-baxa ayaa wada dhiirigaln iyo qabaan qaabo xoogan oo ku aadan sidii uu u qabsoomi lahaay banaan-baxa, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in banaan-baxa ay hor kici doonaan siyaasiyiin & odayaal dhaqameed, taasoo sii xoojin karta awoodda banaan baxayaasha,

Dhamaan degmooyinka caasimadda ayaa laga hadal hayaa banaan-baxa jimcaha lagu dhawaaqay qabsoomiddiisa,Waxaana jirta cabsi ku aadan isku dhac dhax mara ciidanka nabad galyada & banaan-baxayaasha, waa haddii ciidanka ula dhaqmo banaan-baxayasha sidii uu uladhaqmi jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here