HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka+SAWIRRO

Ra’iisulwasaare Xamza oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka+SAWIRRO

May be an image of one or more people, suit and textMuqdisho, Axad, 16 Nofeembar 2025:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka, ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo machadkani in uu soo saari doono khubaro Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaata horumarinta wax soo saarka beeraha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in beeruhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidoo kalena muhiimad weyn u leeyihiin horumarinta bulshooyinka dunida oo dhan. Isaga oo carrabka ku adkeeyey in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta koowaad siinayso kordhinta wax soo saarka gudaha, maadaama uu caalamku wajahayo cabsi ku saabsan cunno yaraan, taas oo waddamo badan ku qasabtay in ay joojiyaan dhoofinta dalagyadooda.

“Dhulkeennu waa mid aad ugu habboon beerista oo leh biyo ku filan, waxaan nahay dal isku filnaan kara haddii la horumariyo wax soo saarka beeraha. Xukuumaddana waxaa ka go’an in ay xoogga saarto kobcinta dhaqaale ku saleysan beeraha iyo xoolaha. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dadaalka ay ugu jirto abaabulka beeraleyda iyo iskaashatooyinka, ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo wacyigelinta iyo aqoontooda, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay dib u eegaan maalgashiyadooda, isla markaana ku dhiirradan in ay maal geliyaan wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha oo uu sheegay in ay leeyihiin fursado dhaqaale oo ballaaran.

“Soomaaliya waxa ay ku taallaa goob istaraatiji ah oo dunida oo idil muhiim u ah, waxaana jira dalal badan oo diyaar u ah in ay dalkeenna maalgashadaan, gaar ahaan beeraha iyo xoolaha”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.May be an image of one or more people, suit and textMay be an image of dais and text that says "ARWI THE WORLD BANK IBRD IDA WORLDBANKGROUP WORLDBA GROUP BADDA DHAGAX-DHIGG DHIGGA DHISMAHA CUSUB Er A BEHA HA QARANKA EE WASAARADDA ANDA BEER BEE' FSRP FEEAIAN 6OMAHArOBOETBHblR RESILIENC PoлcT vo WARAABKA runte Wasarac khdi"May be an image of dais and text that says "THE WORLD BANK IBRD IDA WORLD GROUP MUNAASABADDA DHAGAX-D -DHIGOA 1 DHISMAHA CUSUB EE CILM AARISTA BEERAHA QARANKA ASAARAD REERAH FSRP SOMALIA LIAPOODSYSTEMS RESILIENCE PROJECT ACHA w obta:xarudhex obta obta:xaru xaru dhex"May be an image of textNo photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -