DEGDEG: Xukuumadda Puntland oo si rasmiya uga baaqsatay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalk

0

Maamulka Puntland ayaa si rasmiya uga baaqsatay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo sida qorshaysan 5-ta bisha soo socota ee July ka qabsoomi lahaaa Magaalada Muqdisho.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Xukuumadda Puntland ay gebi ahaanba Shirkaasi ka baaqsatay islamarkaana ay soo saari doonto War-saxaafadeed si faahfaahsan uga hadlaya sababaha ay uga baaqsatay Shirka.

Sidoo kale Baarlamanka Puntland ayaa waxa haatan u socda Kulan deg deg ah oo ku saabsan Go’aankii laga qaadan lahaa Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo Doorashada soo socota kadib markii Golaha Shacabku ansixiyeen Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir.

Waxaanse weli caddayn Go’aanka Baarlamanka Puntland uu ka qaadan doono Arrimaha Siyaasadeed ee ka socda Muqdisho iyo sidoo kale Doorashada Madaxtinimada ee 2020/21.
Xigasho Puntland Post

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here