Sida lagu shaaciyay raadiyaha ciidamada Dowlada Somalia Xuseen Sankuus Cabdi (Suldaan), oo ka mid ahaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa maanta si iskiis ah isugu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 10-aad ee Qeybta 43-aad oo ku sugan degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.
Xuseen, oo muddo 13 sano ah ku jiray safka Khawaarijta, ayaa go’aansaday inuu ka tago afkaarta xagjirka ah iyo ficillada gurracan ee kooxdu ku lug leedahay, kaddib markii uu arkay marin-habaabinta iyo dhibaatooyinka joogtada ah ee ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed.
