HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo Shir Gudoomiyay kulan ku saabsan xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya+SAWIRRO

Madaxweyne Xassan oo Shir Gudoomiyay kulan ku saabsan xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya+SAWIRRO

Dooxa, Diseembar 07, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah, kaas oo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee siyaasadda iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa kulnka ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgalay ee Soomaaliya ay ku xaqiijinayso xasilloonida, amniga iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dagaal dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo fikirka ah kula jiraan argagixiso caalami ah oo ku soo duushay dalkeenna.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay hirgelinta doorashooyinka tooska ah oo meel wanaagsan maraya iyo muhiimadda ay leedahay dhammeystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah dowladnimada, waxa uuna ku boorriyay beesha caalamka in taageeradooda ay noqoto mid isku duuban oo waafaqsan Qorshaha Qaran ee Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay dhismaha dowlad adkaysi leh oo ku dhisan sharciyad, amni iyo horumar, isagoo uga mahadceliyey saaxiibada caalamka taageeradooda joogtada ah.May be an image of ‎one or more people and ‎text that says "‎D HA مسدي_اوف مناي CTED Forum dohaforum25 1 D FORUM HA منتدىالموحة الحود الدوحة ی منتدى ".."‎"‎‎May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of ‎text that says "‎UP الد ی منتدى بن HA Faisal অ Al-H‎"‎May be an image of ‎text that says "‎D HA PLEASESELECT YOURLANGUAGE D DHA FORUM: HA الدوة الدود منتدى CHANNEL CHANNEL ARABIC ENGLISH 時‎"‎
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -