Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Cabdi Axmed Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay, Madaxdii Soomaaliyeed iyo marti sharaftii ka qayb gashay, Meertada 9-aad ee Shirweynaha Madasha Aragti-wadaagga Macadka Heritage.
Munaasabadda oo ku qabsoontay, Aqalka Madaxtooyada Dowladda Galmudug ayaa lagu soo bandhigay miro dhalka sanadkan ee kulan weynaha Heritage, Madaxweynaha ayaana ku bogaadiyay mas’uuliyiinta Mac-hadka Heritage, doorashoodooda Galmudug oo ay u garteen in sanadkan ay marti galiso isu imaatinoa bulshada Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyay dhammaan bulshadii iyo madaxdii soo ajiibtay.
“Waxaan habeenkii xalay ka qeyb-galay kulan casho sharaf ah oo lagu soo xiray Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Heritage oo sanadkan lagu qabtay Magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed















