Dowlad aan cilaaqaad Diblomaasiyadeed naga dhexeyn ayaa 2017 waxay soo codsatay in dayaarad dalkeeda ka imaaneysa ruqsad loo siiyo in ay timaaddo Soomaaliya oo ay ka degto Garowe.
Waxay sheegtay in ay dayaaraddu siddo shixnad deeq ah oo raashin ah, oo aan u maleynayo in daawo ay la socotay.
Waxaan xog ku helnay in shakhsiyaad reer Puntland ahi ay sabab u ahaayeen codsiga deeqdaas.
Federaalka waa ay la noqon weyday in hal dayaarad oo deeq ah darteed looga tallaabsado khilaafaadka Soomaaliya kala dhexeeyay Dowladda dalkaas.
Inta aan codsiga laga jawaabin ayaan la xiriiray Madaxweynihii Puntland ee xilligaas, Dr. Cabdiweli Gaas.
Markii aan xusuusiyay khilaafka dalkaas nagala dhexeeya ayaan weydiiyay waxa ay isaga la tahay in laga yeelo codsigeeda.
Wuxuu iigu jawaabay si fudud.
Arrintaasi waxay u taallaa Federaalka ee go’aan ka gaara, ayuu igu yiri.
Wuxuu raaciyay “…Annaguse waan jeclaan lahayn in deeqda la inoo keeno”.
Waxaan u sheegay in Federaalku isla gartay in la joojiyo dayaaradda, sababta aan isaga u soo wacayna ay tahay in aan sidaas ku wargeliyo.
Wicitaankaas ka dib, waan u diidnay dayaaraddaasi ruqsad ay Soomaaliya ku soo gasho.
Dowladdii codiga soo dirtayna waa ay u hoggaansantay go’aanka Dowladda Soomaaliya.
Qeylo kama daba imaan.
WAXAA QOREY: YUUSUF GARAAD CUMAR
