Wasiirka Dekadaha Somalia C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa war qoraala uu soo saaray wuxuu uaga mahadceliyay Wasiirada ansixinta Is-afgaradka ka dhexeeya Maamullada Dekadaha iyo gobolka Badweynta Hindiya.
“Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa Golaha Wasiirrada oo maanta meel-mariyey Is-afgaradka ka dhexeeya Maamullada Dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya” ayuu yiri Wasiir Jaamac
Sida Wasiirku xusay Is-afgaradkani wuxuu xoojinayaa iskaashiga iyo xog-wadaagga dalalka gobolka, wuxuuna gacan ka geysanayaa hubinta badbaadada, ilaalinta deegaanka, iyo kordhinta kalsoonida dekedaha.
“Waxaa naga go’an hirgelinta shuruucda muhiimka u ah danaha qaranka, si loo helo bad ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo” ayuu mar kale yiri Wasiir Jaamac.

