Xoog, Xeer & Xaajo .

Dad badan ayaad arkaysaa oo Xalka u yaqaan oo kaliya sida naftooda rabto, waxay ku leeyihiin Dowlad ayaa jirta waa in laga cabsadaa! Kuma dhahayaan waa in sharciga laga baqaa oo la.ilaaliyaa !

Sharci haduusan jirin dowlad majirto, mar walba sharciga ayaa ka horeeya dhismaha dowladda & Jiritaankeeda, hadii sharciga ama dastuurka la laabo waxa jira waa xoog, ( Ninkii Xoog leh vay xaajo u toostaa )

inta badan kooxda Nabad & Nolol kama maqlaysid sharci & Dastuur, balse waxaad ka maqlaysaa Magacyo bahalo sida ( hayeey Haramcad ) & ( Xuux Gor Gor ) Kama maqlaysid Qodob Dastuur & Xigasho sharciyadeed,!

Taasi waxay ku tusinaysaa in Yoolka gaarista hadafkoodu yahay cabsi galin, marka aad kula doodo wax sharci ah hadiiba ay afkooda ka dhowraan magacyada bahalada, waxay ku leeyihiin “Xassan sheeqba waa sameeyay” !!

Xaaladda soomaaliya Xoog Malagu Xalin karaa ?

Soomaaliya cudurka helay ee halkaan dhigay waa isku xoog sheegasho, Waxa bur buriyay Diwladdii Soomaaliya 1991diina waa Anigaa dhahay iyo ma dhihi kartid, Ilama ahan in maanta soomaaliya lagu xalin karo dhibaatada taagan Awood Ciidan, Wax walba oo ka baxsan miiska wadahadalka waa fashil & guuldaro,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here