XIGASHO LAACIB.N
Rodrygo ayaa seegi doona labada lug ee ay Real Madrid la ciyaari doonto Benfica ee Champions League, sababo la xiriira ganaax, sida uu qoray The Athletic.
Xiddiga reer Brazil ayaa lagu riday ganaax laba kulan ah kaddib markii uu aflagaadeeyay garsoore, taasoo keentay in si toos ah looga reebo kulamadaas muhiimka ah.
Dhanka kale, Jude Bellingham isna wuxuu kulamadaas ku seegi doonaa dhaawac, maadaama aan la filayn inuu garoomada ku soo laabto illaa dhammaadka bisha Maarso.
Kulanka lugta hore ayaa lagu ciyaari doonaa Lisbon, Talaadada, 17-ka Febraayo, halka lugta labaad lagu qaban doono garoonka Santiago Bernabéu Arbacada, 25-ka Febraayo.
Wararkan ayaa walaac ku abuuray taageerayaasha Real Madrid, maadaama maqnaanshaha Rodrygo iyo Bellingham ay saameyn weyn ku yeelan karto fursadaha kooxda ee Champions League.
XIGASHO LAACIB.NET

