Siyaasiga C/raxmaan C/Shukuur Warsame ayaa war uu ka soo saaray kulankii xalay dhexmaray Madaxweyne Xassan iyo Odoyaasha dhaqanka ee Caasimada iyo Gobolada Dalka isaga yimid.
C/raxmaan C/Shukuur wuxuu si la yaab leh uga hadlay hadalo Odayaasha dhaqanka qaarkood u jeediyeen Madaxweyne Xassan.
XIldhibaan C/raxmaan wuxuu ku amaanay Odayaasha dhiiranaanta ay Madaxweynaha hortiisa ku muujiyeenn xili intooda badan Madaxweynaha u soo jeediyeen inuusan xukunka isku dhajin balse taas badalkeeda uu talada doorashooyinka dhulka soo dhigaa.
“Waxaa ammaan iyo bogaadin mudan odayaasha dhaqan ee sida ku dhaca leh runta ugu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh, Nasiib darro in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, culimada, ganacsatada, suxufiyiinta, abwaanada iyo fanaaniinta ayaa ku shaqeeya daacadnimo kiraysan” ayuu yiri Craxmaan C/Shukuur
Siyaasigaan wuxuu intaas ku daray in qaar dadka ka mida ay doorteen aamusan, iyagoo ka cabsi qaba in ay lumiyaan danahooda gaarka ah haddii ay runta sheegaan.
“Qiyamkii ayaa burburay, damiirkiina ayaa engegay, waxaa yaraaday dadkii runta ku dhiirran kara, kana digi lahaa jihada halista ah ee dalku ku socdo”ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur
Xildhibaanka waxaa kale uu daboolka ka qaaday in dan
