MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Rasaas ay fureen Ciidamada Dowlada ayaa la sheegayaa inuu caawa ku geeriyooday nin dhalinyaro ahaa kadib markii rasaastu haleeshay.
Wiilka u geeriyooday rasaasta ciidamada Dowlada Allaha u naxariistee waxaa lagu magacaabi jirey C/qaadir Maxamed Cali, waxayna rasaastu kula dhacday xaafada siisii oo ah xuduuda Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan.
Wali faah faahin lagama helin in ciidamadu ula kac u dileen iyo inay shil ahayd.
Saraakiisha Hay”adaha amaanka Dowlada ayaa lagu wadaa inay ka hadlaan dhacdadaani ninka dhalinyarada caawa lagu dilay
XAFIISKA WARARKA SIYAAAADAÂ
DAYNIILE.COM

