HomeWarkiiKhayre "Bilashada sanadkaan cusub waxey kusoo aaday iyadoo dalkeenna ay ka jirto...

Khayre “Bilashada sanadkaan cusub waxey kusoo aaday iyadoo dalkeenna ay ka jirto hubanti la’aan baahsan, iyo khalkhal siyaasadeed”

Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Khayre ayaa ka hadlay dhalashada sanadka cusub ee Hijriga Islaamka ee 1448  xili dhanka kalana uu ka hadlay xaalada Amni iyo Siyaasadeed ee Dalka.

Qoraalka Khayre oo sidiisa u qoran halkaan hoose ka akhriso:-

Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo guud agaan Muslimiinta caalamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda dhalashada sanadka cusub ee 1448 Hijriyo.

Bilashada sanadkaan cusub waxey kusoo aaday iyadoo dalkeenna ay ka jirto hubanti la’aan baahsan, iyo khalkhal siyaasadeed kii ugu weynaa intii ay jirtay jamhuuriyadda sedaxaad, mudda bil ahna uu Villa Soomaaliya sharci darro ku fadhiyo madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday.

Waxaan Allah ka rajeynayaa inuu sanadkaan maanta bilawga ah nooga dhigo sanad lagu saxo khaladaadka hogaamineed ee dalkeenna hareeyay, sannadka xigana aan ku gaarno barwaaqo iyo horumar loo aayo.

‪كل عام وانتم بخير‬
‪⁦‪#1448Hijriyah

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -