HomeWarkiiSAWIRRO: Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan duleedka...

SAWIRRO: Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan duleedka degmada Jilib

May be an image of one or more peopleCiidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamadda Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalka ayaa lagu burburiyay illaa toddobo fariisin oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo ciidamada ay sidoo kale gacanta ku dhigeen agabkii yaallay fariisimahaasi.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in deegaanka Gambaale uu ahaa saldhiggii ugu weynaa ee ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, islamarkaana uu ka mid ahaa goobihii sida buuxda loo burburiyay.

Taliska ciidamada ayaa xusay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga deegaannada Jubbaland, isla markaana uu sii socon doono ilaa laga ciribtiro maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobolka Jubbada Dhexe.No photo description available.May be an image of one or more people and helicopterNo photo description available.No photo description available.No photo description available.May be an image of treeNo photo description available.May be an image of campsiteNo photo description available.May be an image of treeNo photo description available.No photo description available.May be an image of tree and grassMay be an image of campsite and mosquito netNo photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -