Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mid mid u kormeeray bandhigga Waxqabadka Wasaaradaha Xukuumadda Dan-Qaran oo labo sano jirsatay, kaas oo caawa lagu soo bandhigayo Munaasabad ka socota magaalada Muqdisho.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirada ayaa lagu wadaa inay caawa hor imaadaan saxaafada si ay u soo bandhigaan waxqabadka xukuumada Dan-qaran iyadoo wasiiraduna isu diyaariyeen inay wasaaradahooda ka hadlaan wixii ay soo qabteen.
Ra’iisulwasaaraha ayaa isna lagu wadaa inuu si guud uga hadlo wax-qabadka xukuumadiisa.
Madaxweynaha kormeerka waxaa caawa ku wehliya Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Aadan Madoobe,waxay gaareen halka uu ka socdo bandhiga wax-qabadkiisa xukuumada Dan-qaran.
Waxay hal hal ugu tageen wasiirada oo mid kasta uu gacanta ku heysto una diyaarsan yahay soo bandhigida waxqabadkiisa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM