Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, Shirkan ayaa looga hadlayaa xoojinta amniga gudaha, horumarinta hay’adaha amniga, iskaashiga hay’adaha dowladda, adkeynta amniga iyo xasilloonida dalka.
Waxaa ka qeybgalaya Shirkan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ugu sareeyo Ku-simaha Madaxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Saraakiil Ciidan, masuuliyiinta amniga ee Dowlad Goboleedyada, Qubaro dhanka Amniga ah iyo Wakiilo ka socda beesha Caalamka.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaacii ayaa sheegay in Dalka amnigiisa maanta uu marayo meel aad u wanaagsan, islamarkaana ku timid isku duubni laamaha Amniga ah.
Sidoo kale Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo isna shirka ka hadkay ayaa sheegay in Shirka Amniga Gudaha uu yahay mid lagu dhisayo hanaan amni oo Soomaaliya leedahay ahna mid leyskuna xisaabtamayo.
Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa isna dhankiisa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay amniga dalka, marxaladahii lasoo maray iyo qorshaha xiligan laga doonayo hey’adaha amniga.





