HomeWarkiiRa’iisul Wasaare Xamsa muxuu ka yiri horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa muxuu ka yiri horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

May be an image of dais and textMuqdisho, 16 Sebteembar 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadka 2025, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka, horumarka la sameeyay sanadkii 2025, dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda Qaranka iyo isbeddellada ku yimid taageeradii dhaqaale ee dibadda ka imaan jirtay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in, inkastoo ay jireen caqabado dhaqaale oo gudaha iyo dibadda ah, haddana adkaysiga shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka hay’adaha Dowladda ay door muhiim ah ka qaateen sii socoshada kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ku bixisay horumarinta hannaanka maaliyadda Qaranka, gaar ahaan kordhinta dakhliga gudaha, xoojinta daah-furnaanta, isla-xisaabtanka, iyo hagaajinta maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha dalka.

“Dowladdu ma aysan siyaasadeyn, mana siyaasadeyn doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso Dowlad-goboleedyada. Sanadka 2025 wuxuu ahaa sanadkii dhaqaalaha ugu badan la siiyey Dowlad-goboleedyada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dib-u-habaynta dhaqaalaha, lana abuuro jawi ku habboon maalgashi gudaha iyo mid dibadeed, iyada oo la xoojinayo shuruucda iyo siyaasadaha hagaya dhaqaalaha iyo maalgashiga.

— DHAMMAAD —

Cabdinaasir Axmed Bashiir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRWMay be an image of one or more people, people studying and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and text that says "樂康 YC in09i TNYOFPN BAA 梅 treron BANDHIGGA WARBIXINTA S S NADLAHA AH EE 2025 d IAHA SIYAASADDA EE KU SAABSAN DHIMISTA EKA HORUMARINTA RASMIGA AH (ODA) 16Sept2026 16 Sept 2026 HOTEL DECALE"May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, eyewear and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and suit

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -