5 november ayaa dadka u sheegay in Wasiirka Gashaandhiga & taliyaha ciiidanka xooga dalka Aynaan daacad ka ahayn oo ay siyaasadeynayaan Dagaalka lagula jiro Al Shabaab bilahii October & November Waxaa Mugadisho ka dirnay 13 diyaaradood oo halki diyaaradba ay saaran tahay 50 Askari oo u dhameystiran yahiin Sanadooda military qaab isku tashi ah ayuu abaabulkaas ku dhaqan galay Alxamdu lilah

7 november ayaa lagu dhawaaqay howlgalada Dagmada Waxbo Ceelbuur& Galhareeri,dagaal culus kadib ciidamada deegaanka Waxaa u suurta gashay inay la wareegaan gacan ku haynta dagmada Wabxo 8 November,taliye Odowa waxuu amar ku bixiyay inay ciidamadda militariga ay soo faarujiyeen Wabxo iyadoo wali ay dhamaanin miino baaristii ay wadeen ciidamadda Danab

Anagoo la yaabaneyn arintaas ayaa waxaa dhacday inla qabtay Dagmada Aadan Yabaal & Kowther oo masaafo 16 KM u jirto Dagmada Derri oo kamid ah deegaanka ay shabaab ka talinayeen mudo 16 sanadood taliye Odowa waxuu ciidamadda faray inlasoo xureeyo dagmo Aadan Yabaal u jirto masaafo 150 KM halka Derri oo Aadan Yabaal u jirto 16 KM aysan xor ahayn

Aad iyo aad ayaa u fahansan nahay Ujeedkaada & Duulka aad u shaqeyneysid ,Marka hore ma rabtid inuu dhamaado Mashruuca Argagaxiso la dirirka Marka xiga waxaad rabtaa libinta shabaab la Dirirka inaad la sugto Saxiibkaadi hore oo sida uu doono kuu adeegsan jiray

Waa muhiim qofka xil ceynkaan oo kale loo dhiibaayo inuu leeyahy background military

Waxaa qoray Gudoomiye ku xigeenkii hore Gobolka Banaadir Ibraahim Dheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here