Bajeela (dayniiile.com)-Lix ruux oo hore Alshabaab uga kaxeysteen Gobolka Mudug si qasab ah ayaa dib ula midoobey reerahooda markii dhawaan ay soo daayeen kadib markii deegaankii ay ku hayeen kaga baxeen qaab xeelad dagaal ah xili ciidamada Dowlada ay duulaan ku ahaayeen.
Dadkaan waxaa lala afduubtay 5 kale sanadkii 2021-kii markaasoo ay ka dalbadeen reeraraha ay ka soo jeedaan dadkaaan inay ka baxaan dagaalada ka dhanka ah Alshabaab balse ay ku gacan sayreen.
Guud ahaan 11-ka ruux oo ay Alshabaab kaxeysteen sanadkii 2021-kii ayaa u dhashay beelaha dega Gobolka Mudug gaar ahaan kuwa Habar-gidir.
Warar lagu baahiyay warbaahinta Dowlada ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kooxda Al-shabaab ay faarujiyeen Saldhigyo ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.
Saldhigyada ay baneeyeen Alshabaab waxaa ka mida aagga deegaanada Dumaaye iyo Dabaglo ee koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo u ahaa fariisimo,
Lixda ruux ee Alshabaab-ku xabsiyada ka soo daayeen ayaa caawa lagu soo bandhigay Magaalada Bajeela ee Koonfurta Gobolka mudug, kuwaas oo ka mid ahaa 11 Qof oo shacab ahaa oo ay Alshabaab 2021 ka wateen Miyiga Degmada Wisil ee Gobolka Mudug iyagoona gacanta ku hayay mudo laba sano ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 1 personMay be an image of 1 person, child and smilingMay be an image of 1 person and beardMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and beard
Previous articleDAAWO VIDEO: Faahfaahin Qaraxii Caawa Muqdisho ka dhacay iyo Dowlada oo sheegtay in la fashiliyay
Next articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here