HomeWarkii70 reer Gaza oo la dilay xili ay raashin saf ugu jireen

70 reer Gaza oo la dilay xili ay raashin saf ugu jireen

Israel kills at least 70 Palestinians in Gaza’s deadliest day at aid sitesCiidamada Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan 70 Falastiiniyiin ah, boqolaal kalena way ku dhaawacmeen, iyagoo gargaar u doontay Qaza Talaadadii, waxay ku ku garaaceen madaafiic, qoryaha darandooriga u dhaca iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Khasaarahaas ayaa ka mid ah 89 falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarro ka dhacay deegaanka go’doonsan tan iyo waaberigii.

Askarta Israa’iil ayaa rasaas ku furay dad gaajeysan oo gargaar doon ah subaxnimadii Talaadada, xilli ay isugu soo ururayeen jidka weyn ee bari ee magaalada Khan Younis ee koonfurta.

Waxay ahayd tii ugu dambaysay ee mowjado xasuuq ah tan iyo markii Israel-iyo Maraykanka ay taageerto Gaza Humanitarian Foundation (GHF) ay bilaabeen hawlgallo ay cunto ugu qaybinayaan dhulka saddex toddobaad ka hor.

Dhimashada ayaa la filayaa inay kororto iyadoo qaar badan oo kamid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu aad u liidato, sida ay sheegeen dhaqaatiirta isbitaalka Naasir, halkaasi oo lagu dabiibayo dhaawacyada.

Afhayeenka difaaca madaniga ah ee Gaza Mahmud Bassal ayaa intaa ku daray in in ka badan 200 oo qof ay ku dhaawacmeen, inkastoo wararka ku saabsan tirada dhimashada ay kala duwan yihiin.

“Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa rasaas ku riday muwaadiniinta,Daqiiqado ka dib, taangiyada Israa’iil ayaa dhowr madfac ku dhuftay muwaadiniinta, taasoo keentay tiro badan inay shahiidaaan iyo dhaawacyo,” ayuu yiri afhayeenku, isagoo xusay in dadka isku soo baxay ay rajo ka qabaan inay helaan bur.

Hani Mahmoud oo ka tirsan Aljazeera, oo ka soo warramaya magaalada Gaza, ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil, qoryaha daran dooriga u dhaca, iyo diyaradaha aan duuliyaha lahayn ay gumaadaayaan  dadka, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMIsrael kills more than 70 in Gaza, including 16 in attack on family homeUpdates: Israeli forces kill dozens at US-backed aid sites in Gaza

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -