Eldoret (dayniiile.com)-Lucas Omusule oo ah Odey 71 jir ah Kenyaan ah ayaa maxkamad la soo taagay xukuna lagu riday markii lagu  helay inuu kufsaday cunuig saqiir ah.

Maxkamad ku taalla magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa qaaday dacwadaan ugu danbeyna xukuntay Odeygaan.

Advertisement

Gabar saqiira oo laba jir ah ayaa lagu cadeeyay inuu kufsaday markii marqaatiyaal loo helay.

Sida ay sheegtay Idaacad StarFM Xabsi daa’in ayaa lagu xukumay  markii ay afar marqaati maxkamada keeneen Waaxda dacwad oogidda oo uu hoggaaminayay Jamlick Muriithi.

Marqaatiyaasha waxaa ku jira dhakhtarkii xaqiijiyay xadgudubka lagula kacay gabadha saqiirka.

Ninkaan oo dacwadiisu sanado badan soo socotay ayaa horana mar loogu xukumay 40 sano markii uu kufsi ka gaystay isla eldoret.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxtooyada oo ka hadashay waxa uu salka ku hayo isbadalka Muuqaal ee Madaxweyne Xasan
Next articleMaamulka Galmudug oo beeniyay inuu hakad ku yimid dagaalka ay Alshabaab kula jiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here