Sida ay cadeeyeen Ciidamada booliiska ee ismaamulka Homa Bay waxaa saaka meydkiisa la helay odey 76 jir Kenyaan ahaa.

Ciidamada ayaa meydka geeyay isbitaalka qeybtiisa meydadka la dhigo,sidoo kalana waxay bilaaben baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii dilkaasi ka danbeeyay.

Advertisement

Sida Idaacada Star FM ay sheegtay Ninkan ayaa habeenimadii ay Arbacada soo galeysay waxaa lagu tooriyeeyay tuulada Lower Kodhoch ee deegaanka bariga Rachuonyo.

Odeyga la dilay oo la oran jirey Lucas Ouko Opuge waxaa soo sheegay meydkiisa dadka dariska la ah markii la soo dhigay meel ku dhaw gurigiisa.

Guddoomiyaha ku xigeenka tuulada Lower Kodhoch ,Daniel Odanga ayaa sheegay inay baxsadeen kooxihii dilka fuliyay islamarkaana aan wali la aqoonsan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMaamul cusub oo ka madax banaan Somaliland oo looga dhawaaqayo Saylac
Next articleAkhriso dalalka ay u kala dhasheen ajaanibta saaran diyaarada Alshabaab u gacan gashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here