Guri gaboobay oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, waxaa ku yaalla xarun lagu bixiyo tababarka jirdhiska. Alaabta taalla goobta waa kuwa duq ah, oo qaarkood la isku alxamay dhowr jeer oo ay jabeen ka dib.

 

Goobtaas waxaa tababar ka bixiya nin odey ah oo lagu magacaabo Maxamed Xassan oo ku magac dheer (Biyoonde), oo 76 jir ah. Wuxuu tababarka jirdhiska siiyaa koox dhallinyaro ah, oo kubadda ciyaara. Mid kasta oo dhallinyaraadan ka mid ah wuxuu u noqon karaa awoowe.

 

Noloshiisa oo dhan wuxuu ku qaatay jimicsi iyo macallinimo. Markii ugu horeysay wuxuu tababare ka noqday kuleejkii agoonta booliska Soomaaliyeed sanadku markuu ahaa 1976-dii, isaga oo tababari jiray kooxda kubadda cagta ee agoonta. Mar dambe wuxuu ku biiray ciidammada xoogga dalka Soomaaliya

 

Sannado badan oo uu hawshaas ku jiray ka dib wax walba ayaa isbaddelay markii uu qarxay dagaalka sokeeya ee Soomaaliya sagaashamaadkii, isaga oo lumiyay shaqadiisii xubannimadiisii ciidanka iyo ardeydii uu wax bari jiray intaba. Mar dambe wuxuu billaabay in uu si iskiis ah u wado shaqadii tababarenimada, isaga oo sannadkii 1992 dii Jiim ka furay magaalada Muqdisho.

 

“Jiim lamaba aqoon, jiimkaan ayaa ugu horeeyay Jiim oo dhan, dadkaan bari jirnay,” ayuu yiri Biyoonde. “Hadda dadku waa barteen magaalada oo dhan wada jiim ayay noqotay.”

 

Dadka ilaa iyo hadda ku xiran ee uu tababarka siiyo ayaa ah ciyaartooyda da’da yar ee kooxaha ka dhisan Soomaaliya iyo dad kale oo ku kalsoon xirfadiisa oo ugu yimaada jiimkiisa.

 

Feysal Maxamed, waa ciyaar yahan da’yar oo u dheela Horyaalka Kubadda Cagta ee Soomaliya, wuxuu imaanayay goobtaan jirdhiska ku dhawaad todobo sano. Feysal yaraantiisii aabbihii ayaa u soo wadi jiray halkaan oo ku tababaran jiray.

 

Faysal ayaa yiri, “Biyoonda aabbaheey ayuu soo tababaray, aabe mararka qaar taluu isiiyaa, wuxuu i dhahaa macallinka haka agfogaanin. Macalinka khibrad fiican ayuu leeyahay. Jiimamka kale qalab casri ah ayaa yaala, dunida hormartay ayay la tartami karaan, laakiin inta qalab saas ah ma yaalo laakiin waxaa taalla maskax, maskax hormarsan, oo muddo ku dhawaad sideetameeyadii sagaashameeyadii wax soo tababaraysay”

 

Biyoonde waligiis iskuma uusan dayin in uu ku xoogsado xirfad aan jirdhiska ahayn, waxa ugu wayn ee uu shaqadaan ka faa’iidey ayaa ah caafimaad, iyo jirkiisa oo aan nuglayn sida ragga ay isku da’da yihiin oo kale.

Biyoodne ayaa yiri, “Aniga hadda cimrigeygy waa 76 lix sano, caafimaadkeygu waa fiican yahay, dadkii saaxiibadeey ahaa ee lacagta yeeshay manta ma cuni karaan lacagtooda. Anigu waxaan helaan cuni karaa. Cawsi hadii la isiiyo waa iska cuni karaa, waa isboortiga, caafimaadku waaye, hadii aadan caafimaad qabin wax ma cuni kartid caano ma cuni kartid, wax kale iska daaye”.

Waxaa jira halyeeyo badan oo uu saameyn xooggan ku reebay burburkii dalka, qaarkoodna uu dhaawacay u geystay xirfadooda sida Biyoonda oo kale, tobanaan sano kadib waxay wali goobjoog u yihiin dawlad xumadii oo aan wali laga kaban, waxay marwalba ku taamaan in ay arkaan Soomaaliya oo nabad ah oo ay dib ugu noqdaan shaqooyinkii ay jeclaayeen laakiin waxay u egtahay in aysan mardambe arki doonin.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here